Hitcounter

Friday 11 December 2009

Yaa la doonayaa inay dhisto dekedda Hobto ee Gobolka Hobyo ?

Dekedda Hobyo gobolka Hobyo ee Galmudug state .....
Galmudug waxay leedahayDhul aad u baaxad weyn Una baahan dib u dhis iyo horumarin.
Ayadoo xooga la saarao markan sidii dekeda hobyo loo dhisi lahaa iyo airpor u gaara Galmudug oo caalami ah , Waxayna ila tahay haddii la helo Hogaan fiican oo xalaal ah in lagu dhisi karo sanad gudihiis, Beelaha Galmudug waa beelo aad u tiro Badan ay dantoodu ku jirto in ay helaan Deked ay xoolaha ka dhoofsadaan kalana soo degaan badeecooyin, Sidoo kale Airport ay ka dhoofaan kana soo degaan bulshada Qurba joogta Madaxada Ganacsatada Bulshada rayidka iwm, Si looga Gun gaaro Labadaas arimood waxay u baahan tahay ayadoo iskaashi la muujiyo iyo wadajir, Ganacsatada U dhashay Galmudug ay si deg deg ah ugu howl galaan dib u dhiska dekedda iyo airporka Galmudug Shacabka Dalka iyo Dibadda ku maqana ay Gacan iyo tageero weyn u fidiyaan dib udhiska dekedda hobyo iyo airpor caalami ah oo ay yeelayo Galmudug, wax kasta oo la isu dayo waalaga gungaaraa arintanse waxay u baahan tahay wacyi gelin iyo wada tashi laga wada sameeyo si deg degana loogu howl galo, Shaqsi Kastaa uu kaalin tiisa kaga aadan dib u dhiska Gurigiisa uu ka qeyb qaato.
Ugu danbeytii waxaan shacab weynaha Galmudug ugu Baaqayaa in horumarka laga shaqeeyo si aad u heshaan nolol wanaagsan , waalidiintana haku dadaalen sidii ay ubad wax yaqaan oo wax tara dalkooda ay usoo saari lahaayeen .
Wabilahi Towfiiq
Mr Muktar Abdullahi Haji

No comments:

Post a Comment