Hitcounter

Friday 11 December 2009

Nabadda Waa Furaha Horumarka

Nabadgelyad Galmudug ayaa waayahan iyo horeba loo Hadal hayay ayadoo aysan jirin cid u istaagtay iyo khilaafad hareeyey madaxdii sar sare ee Galmudug haddaba Maxaa la gudboon
Shacabweynaha Galmudug ee Dal iyo Dibad

1- guddi sare oo Aqoon u leh maamul wanaaga.
2- Shaqsiyaas xirfad u leh Howlaha Amniga iyo la macaamiladda Bulshada rayidka.
3- In la la shaqeeyo Madaxweynaha xaqqa ah ee mudane ahmed shariif ali hilowle.
4- bulshada Galmudug ee Dal iyo Dibadaba ku nool ay gacan weyn ka geystaan ka qeyb qaadashada sidii loo heli lahaa amni waara si bulshadu ugu diirsato.
5- sadexda sano ee soo socota la helo Shaqsiyaad fir fircoon oo Aqoon u leh soo saarista Bulsho baaba'san una baahan in loo helo kabayaal dhaqaale School, Hospitaalo, iwm.
6-Waxbarashada dhalinyarada oo xoogga la saaro si loo helo bulsho wax taqaan oo fahmi karta aasaaska nolosha.
7-shaqsiyaadka bulshada galmudug ka galay dambiyada sida Dil, Dhac, Kufsi Iwm la maxkamadeeyo sharcigana la marsiiyo.
8-In la ogaado Ayadoo Nabad la helin in cid maal gashanaysa galmudug aysan jireyn,
9- Khilaafaadka Maleeshiyaadka oo u baahan in loo helo gacan bira oo maquunisa iyo maamul cadaalad ku dhisan.

halkan laguma soo koobi karo baahida loo qabo nabada ka waarta Galmudug waxayna u baahan tahay in la isku diyaariyo sidii loo wada wajihi lahaa in la helo Dad wax yaqaan oo maanta bulshadan ka sama ta bixin lahaa dhibaatadan soo jireenka ah ee colaadda iyo qabyaalada iwm.

Gunaanad

waxaan kusoo gaba gabaynayaa Fadlan shacabka ha garto wanaaga iyo aasaaska nolosha inay ka yimaadaan ayadoo wax la barto si loo helo maskax caafimaad qabta.

Waxaa qoray Mr Ahmed M Abudulahi

E-mail Galmudug4life@gmail.com

No comments:

Post a Comment